Shaqaalaha Old Trafford Oo Loo Heysto Inay Albaab U Fureen Dibbad-baxayaashii Shalay

Wararku waxay soo jeedinayaan in taageerayaashu kooxda Manchester United ay galaangal u yeesheen kaddib markii albaab loo furay si ay usoo galaan garoonka Old Trafford oo ay mudaharaad ka sameeyeen Axaddii shalay ahayd.

Mudaharaadyadan ayaa sababay inuu baaqdo kulankii ay kooxda Red Devils la yeelan lahayd kooxda Liverpool kaddib markii dibbad-baxyadu ay u muuqdeen kuwo aan la xakamayn karin.

Eedeymo ayaa loosoo jeedinayaa kooxda Manchester United kaddib markii ay awoodi waayeen inay xakameeyaan dibbad-baxayada iyagoo 9 maalmood kahor ogaa inuu qabsoomayo.

Boqolaal taageerayaal ah ayaa garoonka kasoo galay albaab u dhow Tunnel-ka lagu magacaabo Munich wax yar kaddib 4-tii galabnimo XGA, hayeeshee sida ay wararku tibaaxayaan albaabkaasi wuxuu ah mid loo furay oo loogu talagalay inay kasoo galaan.

Eedeymahan loo soo jeedinayo kooxda Manchester United ayay si xoogan u beenisay, laakiin FA-ga Ingiriiska ayaa baaraya mudaaharaadyada isla markaana eegaya waxa dhacay.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘Ma Dooneyno Inaan Seegno Fursadan’ – Manchester City Diyaar Ayay U Noqon Doonta Dagaalka Champions League, Ayuu Ku Adkeystay Guardiola

Read Next

Barcelona Oo Heshiis La Gaartay Cayaaryahan Ay Muddo Raadineysay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?