Real Madrid Oo Shaacisay In Varane Uu Maqnaanayo Kulanka Chelsea Ee Arbacada

Daafaca ku guuleystay Koobka Adduunka ayaan qeyb ka ciyaari doonin kulanka ay kooxdiisa Real la cayaareeyso Chelsea marka ay booqanayaan garoonka Stamford Bridge.

Real Madrid ayaa shaaca ka qaaday in Raphael Varane uusan qeyb ka ciyaari doonin kulanka lugta labaad ee semi-finalka Champions League oo ay la ciyaarayaan Chelsea kaddib markii uu dhaawac gumaarka ah soo gaaray.

Daafacan ayaa la bedelay waqtigii nasashada intii lagu jiray kulankii Los Blancos ay 2-0 kaga badisay Osasuna sabtidii.

Kooxda La Liga ka dhisan ayaa rajeyneysay in 28 jirkaan uu ka soo kabsan doono dhaawacan soo gaaray si uu qeyb uga noqdo kooxdiisa ku guulleeysan karta tartanka Champions League balse, balse haatan waxaa lagu xaddidi doonaa door daawade marka ay cayaarayaan kulanka addag ee Blues.

Abdihakim Olad

Read Previous

Laadkii Xorta Ahaa Ee Lionel Messi Oo Taariikh Qoray Inkastoo Uu Ku Fashilmay Inuu Dhaliyo Rigoore – Balse Waa Maxay Taariikhda Uu Qoray?

Read Next

‘Ma Dooneyno Inaan Seegno Fursadan’ – Manchester City Diyaar Ayay U Noqon Doonta Dagaalka Champions League, Ayuu Ku Adkeystay Guardiola

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?