‘Ma Dooneyno Inaan Seegno Fursadan’ – Manchester City Diyaar Ayay U Noqon Doonta Dagaalka Champions League, Ayuu Ku Adkeystay Guardiola

Kaddib guushoodii lugta hore ee 2-1 oo ay ka gaareen kooxda Paris Saint-Germain, hoggaamiyaasha Premier League-ga ayaa ku dhow inay gaaraan final-kii ugu horreeyay abid ee tartanka Champions League-ga.

Tababare Pep Guardiola ayaa sheegay in kooxdiisa Manchester City aysan lumin fursada ah inay taariikh sameyso marka ay ku hanweynyihiin inay gaaraan finalka Champions League-ga bartamaha isbuucan.

City ayaa 2-1 ku hoggaamineysa PSG kahor kulankooda lugta labaad ee ka dhacaya Etihad Stadium habeenka talaadada.

Macalin Guardiola, oo laba jeer Champions League-ga la qaaday Barcelona, ayaa ku adkeysanaya in kulankan uu ka fogyahay mid soo idlaaday isagoo sheegay in kooxdiisa ay ku ciyaareyso kalsooni la mid ah tii ay muujisay xilli ciyaareedka oo dhan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *