Laadkii Xorta Ahaa Ee Lionel Messi Oo Taariikh Qoray Inkastoo Uu Ku Fashilmay Inuu Dhaliyo Rigoore – Balse Waa Maxay Taariikhda Uu Qoray?

Lionel Messi ayaa Barcelona ka caawiyay inay baaqi kusii ahaato loolanka loogu jiro hanashada horyaalka La Liga isagoo labo gool ka dhaliyay Valencia qeybtii labaad ee habeenkii Axadda.

Xiddiga reer Argentine ayaa kansalay goolkii furitaanka ee uu Gabriel Paulista dhaliyay daqiiqadii 50-aad , balse 7 daqiiqo kaddib waxa uu helay gool-ku-laad.

Messi ayaa u soo dhaqaaqay dhinaca rigoorada isagoo ku tuuraya lugtiisa biddix ayaa kubbad hooseeysay uu ka badbaadiyay goolhaye Cillesen.

Busquets ayaa u laaday dhanka goosha, waxaase soo laabashadii ay u timid Pedri, kahor inta uusan Gabriel Paulista uu kubbada kasoo saarin diilinta ganaaxa iyadoo markaa kaddib uu Lionel Messi ku hubsaday shabaqa, taasoo ka careysiisay daafacyada Valencia oo u maleynayay inay wax ka qabteen khatarta.

Balse goolkaas amaba rigoorada laga qabtay Lionel Messi ma’ahan waxa keliya ee hadalheynta badan abuuraya, waxaase mid ilqabad leh ahaa Laadkii-xorta ahaa ee uu Messi dhaliyay daqiiqadii 69aad ee cayaarta.

Messi ayaa khalad lagu galay isagoo ku sugan meel ka baxsan xerada ganaaxa, xiddigan reer Argentina ayaana qaatay laadkii xorta ahaa oo meel dhexe kaga aadaneyd shabaqa, taas oo qiyaastii 20 yaardi u jirtay goolka, isagoo laadkiisii ku garaacay qeybta sare ee goosha isla markaana kubbad qurux badan ka geliyay birta middig ee dhinaca fog ee goolhaye Cillessen oo aanan wax fursad ah u heysan inuu qabto kubbadaas inkastoo uu si dhammeystiran u booday balse waxa uu keliya arkayay madfaca lugta Messi kasoo baxaya oo isaga dhinac dhaafaya.

Mucjisada reer Argentina waa mucjiso marka ay timaado laadadka xorta ah balse marka uu laadayo gool-ku-laadyada Messi ayaanan heysan Rikoor wanaagsan.

Kaddib goolkan, Lionel Messi ayaa dhaliyay goolkiisii 50-aad ee laadka xorta ah ee tooska ah tartamada oo dhan ee kooxda Barcelona.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *