Jurgen Klopp Oo U Sheegay Netherland In Aysan Van Dijk Ku Darin Liiskooda Koobka Qaramada Yurub

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka codsaday dhiggiisa Netherlands Frank de Boer inuusan Virgil Van Dijk ku darin xulkiisa ka qeyb galaya Koobka Qaramada Yurub xagaagan si loo siiyo waqti ku filan oo uu kaga soo kabsado dhaawac jilibka ah.

Van Dijk ayaa garoomada ka maqnaa tan iyo bishii October, markii ay isku dhaceen goolhayaha Everton Jordan Pickford, laakiin tababaraha reer Holland ayaa si hagar la’aan ah uga shaqeynayay inuu usoo kabsado sida ugu dhaqsiyaha badan, wuxuuna dhawaan soo duubay muuqaal isagoo ordaya caawin la’aan taasoo qeyb ka ah soo kabashadiisa.

De Boer ayaa horay u qirtay in Van Dijk ay u badan tahay inuu yeelan doono go’aanka ugu dambeeya marka lagu daro liiska xulkiisa, isagoo ku adkeysanaya in daafaca Liverpool uusan wax cadaadis ah ku saarneyn inuu ka ciyaaro tartanka Euro-ga xagaagan.

Tababaraha reer Holland ayaa laga doonayaa in liiska cayaartooyda qeybta ka ah xulkiisa uu soo gudbiyo 1da Juun, haddii Van Dijk xitaa uu si dhib yar ugusoo laabto tababarka waqtigaas, way adag tahay in la arko isagoo xagaagan diyaaradda fuulaya.

Abdihakim Olad

Read Previous

Taageerayaal Careeysan Oo Looga Baqayo Iney Caqaladeeyaan Kulanka Maanta Ee United Iyo Reds

Read Next

Aubameyang Ayaa La Yimid Bandhig Wanaagsan Iyadoo Arsenal Ay Guul Raaxo Leh Ka Gaartay Newcastle

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?