Isboortiga Ingiriiska Oo 4 Maalmood Oo Qaadicis Ah Ku Muujinaya Dareenkooda

Inaad aragto ciyaartoy jilbaha dhulka dhiganaya waa muuqaal qiiro leh.

Way fiicantahay inay ugu yeeraan muujineyso in fiirro loo hayo la dagaalanka Cunsuriyada balse haddii aan tallaabo dheeri ah la qaadin, tilmaanta astaanta ah ee jilba fadhiisiga ayaa lumaya.

Taasina waa waxa ay sameeynayaan Warbaahinta, Cayaartooyda, Macalimiinta iyo Dhammaan dhinacyada kala geddisan ee Isboortiga Ingiriiska si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan la dagaalanka takoorka iyo aflagaadooyinka Online-ka la isagu gudbiyo.

Warbaahibta Ingiriiska ayaa laga billaabo 3da galabnnimo xilliga Ingiriiska oo noqonaysa 5ta galabnimo xilliga Geeska Afrika waxay billaabayaan qaadicis afar maalmood ah, wax farriin ahna masoo gudbin doonaan dhammaan dhinacyada kala-duwan ee Isboortiga Ingiriiska taasi beddelkeeda waxay sheegeen inay keliya soo gudbinayaan postiyo wacyigelin ah oo ku aadan la dagaalanka middab-takoorka iyo farriimaha cunsuriyada leh ee Onlineka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *