Chelsea Oo Iska Iibineysa Tammy Abraham

LONDON, ENGLAND – JANUARY 11: Tammy Abraham of Chelsea during the Premier League match between Chelsea FC and Burnley FC at Stamford Bridge on January 11, 2020 in London, United Kingdom. (Photo by Robin Jones/Getty Images)

Kooxda Kubbad-cagta ah ee Chelsea ayaa diyaar u ah inay iska dirto weeraryahan Tammy Abraham xagaagan iyadoo West Ham, Aston Villa iyo Newcastle ay ka mid yihiin kooxo dhowr ah oo xiiseynaya xiddigan.

23 jirkaan ayaa dhaliyay 12 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan laakiin markii ugu dambeysay ee uu safto kooxda Blues waxay ahayd bishii Febraayo 20keedii.

Tababare Thomas Tuchel ayaa badalay Frank Lampard oo ahaa tababaraha kooxda wax ka yar hal bil ka hor inkasta oo uu Abraham la dhibtoonayay dhibaato anqawga ah, hadana wuxuu inta badan ku guuldareystay inuu kursiga keydka fariisto xitaa markii uu ku haboonaa shaxda tababaraha cusub.

ESPN ayaa soo warisay bishii Maarso in wadahadalada heshiis kordhinta ee u dhexeeya Chelsea iyo Abraham ay hakad galeen iyadoo ciyaaryahanka reer England uu maanka ku hayo inay hoos u dhaceen fursadihiisa kooxda koowaad iyo sidoo kale in kooxda ay dooneeyso in ay lacag badan ku qarashgareyso weeraryahan dhexe xagaaga.

Abraham laba sano ayaa uga harsanaanaya qandaraaskiisa dhammaadka ololahan, ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in Chelsea ay diyaar u tahay inay iska dirto weeraryahankan inta ay awoodaan inay kor u qaadaan qiimihiisa suuqa.

Wararku waxay soo jeediyeen inay diyaar u yihiin inay aqbalaan 40 milyan oo ginni laakiin waxaa jira kalsooni ay qabaan dhinacyada xiiseynaya in heshiis lagu dhammeyn karo wax ka yar intaasi.

West Ham ayaa weeraryahan suuqa ugu jirta in muddo ah, ku laabashada Villa Park ayaa laga yaabaa inay dhadhan u yeelato weeraryahankan, maadaama uu dhaliyay 26 gool xilli ciyaareedkii 2018-19 oo uu ka caawiyay inuu kasoo talaabiyo heerka labbaad ka hor inta uusan Frank Lampard fursad u siinin ka cayaarista Stamford Bridge.

Chelsea ayaa la rajeynayaa inay ku adkeysato dookha weerar ee Timo Werner inkastoo xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee England uu ku adag yahay hayeeshee waxay kooxda Blues geli doontaa tartanka loogu jiro weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Haaland, sidoo kale waxay la socotaa xaalada bixitaanka Sergio Aguero oo ay beeca xorta ah kaga soo qaadan karto kooxda Manchester City

Iyadoo Weeraryahanka kooxda Inter Milan Lautaro Martinez uu yahay dookh kale oo ay indhaha la raacayaan xagaaga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Isboortiga Ingiriiska Oo 4 Maalmood Oo Qaadicis Ah Ku Muujinaya Dareenkooda

Read Next

Mohamed Salah Oo Sheegay Inuusan Jirin Wax Wadahadallo Ku Aadan Heshiiskiisa Reds – Iyadoo Real Iyo Barca Ay Isha Ku Hayaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?