Mbappe Oo Maqnaan Kara Lugta 2aad Ee Semi-Finalka Champions League

Kooxda heysata horyaalka Ligue 1 ayaa xaqiijisay in xiddigeeda Kylian Mbappe uu soo gaaray dhaawac, taasoo laga yaabo inay sabab u noqoto inuu ka maqnaado kulanka ay la leeyihiin Manchester City isbuuca soo aadan.


Kylian Mbappe ayaa shaki ku jiraa inuu ciyaari karo lugta labaad ee semi-finalka Champions League ee Paris Saint-Germain iyo Manchester City kaddib dhaawac kasoo gaaray kubka.

PSG ayaa warkan ku xaqiijisay warbixin ay ka soo saartay dhaawacyada cayaartooydooda kahor kulanka Ligue 1 oo ay sabtida la ciyaarayaan kooxda Lens. si kastaba ha ahaatee, ma aysan shaacin mudada uu Mbappe maqnaan doono.

Waxay u dhidididoonaan taam ahaanshaha Mbappe ka hor Talaadada, marka ay u safrayaan Manchester iyagoo doonaya inay dhanka kale usoo rogaan guuldarro 2-1 ah oo looga soo adkaaday lugtii hore.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Isaga Hartay Baacsiga David Alaba – Real Madrid Miyey U Seegeen?

Read Next

Liverpool Oo Ka Walaacsan Saameyn Dhaqaale Haddii Ay Seegaan Usoo Bixitaanka Champions League

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?