Man City Oo Chelsea Kula Loolamaysa Saxiixa Lukaku

Kooxda Manchester City ayaa kusoo biirtay loolanka loogu jiro sidii weeraryahanka Inter Milan Romelu Lukaku loogu soo celin lahaa horyaalka Premier League-ga, sida laga soo xigtay Calciomercato.

City ayaa raadineysa weeraryahan cusub iyadoo bixitaanka Sergio Aguero la filayo dhammaadka xilli-cayaareedkan marka uu idlaado qandaraaskiisa kooxda Cityzens, iyadoo Aguero uu durbaba sii billaabay macsalaameyntiisa.

Sergio Aguero ayaa marka uu ka tago kooxda City waxaa la filayaa inuu kooxda Barcelona kula middoobo Lionel Messi oo ay xulka Argentina iskala cayaaraan.

Haddii uu ka tago City, waxay u baahnaan doonaan beddelkiisa waxaana ay isha la raacayaan weeraryahanka Inter ee Romelu Lukaku.

Romelu Lukaku ayaa dhaliyay 27 gool 40 kulan oo uu ciyaaray xilli ciyaareedkan, City ayaana rumeysan inay hal weeraryahan oo tayo leh ku beddeli doonaan mid kale. Lukaku ayayna ku raja weynyihiin inay lasoo saxiixdaan xagaaga, kaddib waayihiisii ​​ Premier League -ga ee kooxaha Everton, Chelsea iyo Manchester United oo uu kusoo bandhigay addeegiisa heerka sarreeya.

Tababaraha kooxda City Pep Guardiola ayaa sidoo kale isha ku haya Erling Haaland iyo Harry Kane, laakiin Lukaku ayaa noqon kara midka ugu fudud ee seddexda heshiis oo la dhammeystiri karo.

Inter ayay u badan tahay inay ciyaarto kubbad-adag, maadaama aysan dooneynin inay isa-seegaan weeraryahankooda waxaana Maamulka kooxda uu sheegay inaysan diyaar u aheyn inay dhageystaan ​​dalabyada 27 jirkan reer Belgium.

Kooxdiisii ​​hore ee Chelsea ayaa sidoo kale soo bandhigay xiise waxaana ay rajeynayaan inay dib ugu celiyaan garoonkooda Stamford Bridge, sida ay qortay The Sun.

Laacibka laftiisa ayaa umuuqda mid ka caga jiidaya ku laabashada Premier League-ga, taa badalkeedana wuxuu doonayaa inuu kusii nagaado Inter maadaama ay isku diyaarinayaan inay u dabaaldegaan horyaalkii ugu horreeyay ee Serie A muddo 11 sano ah.

Sidoo kale Wargeyska Calciomercato ee kasoo baxa Talyaaniga ayaa ku adkeysanaya in Inter aysan diyaar u aheyn inay dhageysato wax dalab ah oo ku aadan weeraryahankooda reer Belgium, balse haddii ay u timaado dalab macquul ah waxaa la filayaa inaysan ku gacan seyrin.

Abdihakim Olad

Read Previous

Rashford Oo Muddo Labbo Sanno Ah Ku Cayaaraya Xanuun – Waa Maxay Xanuunkaasi?

Read Next

Barcelona Oo Isaga Hartay Baacsiga David Alaba – Real Madrid Miyey U Seegeen?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?