Liverpool Oo Ka Walaacsan Saameyn Dhaqaale Haddii Ay Seegaan Usoo Bixitaanka Champions League

Reds ayaa garoonka Old Trafford ku wajihi doonta kooxda Manchester United axadda iyagoo og in kaliya guul ay gaaraan ay nooleyn doonto rajadooda afarta sare oo sii naaqusaya.


Tababare Jurgen Klopp ayaa qirtay in ku guuldarreysiga u soo bixitaanka Champions League-ga ay saameyn weyn oo dhaqaale ku yeelan karto kooxda Liverpool xilli ay wajahayaan kulan addag isbuucaan marka ay booqanayaan kooxda Manchester United.

Reds ayaa og in guuldarro ka soo gaarta Old Trafford Axadda ay si wax ku ool ah u soo afjari doonto rajadooda sii xumaaneysa ee ah inay xaqiijiso affarta sare ee Premier League, iyadoo kooxda Klopp ’ay fadhiso kaalinta lixaad ee horyaalka, affar dhibcoodna ka dambeysa kooxda kaalinta affaraad ee Chelsea iyadoo kaliya shan kulan uu ka haray horyaalka.

Toddobaadkan Liverpool ayaa shaacisay inay khasaartay 46 milyan oo Euro sababo la xiriira canshuuraha kooxda.

Tababare Klopp-na wuxuu ogyahay in maqnaanshiyaha dakhliga kasoo xarooda Champions League aysan wax badan ka caawin doonin xaaladdaas.

Abdihakim Olad

Read Previous

Mbappe Oo Maqnaan Kara Lugta 2aad Ee Semi-Finalka Champions League

Read Next

Isboortiga Ingiriiska Oo 4 Maalmood Oo Qaadicis Ah Ku Muujinaya Dareenkooda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?