Yaa Bedelaya Zidane Haddii Uu Ka Tago Real Madrid?

Zinedine Zidane ayaa laga yaabaa inuu ka tago Real Madrid dhammaadka xilli ciyaareedkaan kaddib markii uu ku dhibtooday inuu mar labaad soo bandhigo guulihii cajiibka ah ee uu ku riyaaqay intii uu ku jiray shaqadiisa ugu horreysay.

Kaddib markii uu seddex koob oo Champions League ah ku guuleystay kaliya labo sano iyo bar markii loo gacan geliyay leylinta kooxda Real sanadkii 2016, Zidane ayaa doortay inuu shaqada ka tago wax yar kaddib finalka Champions League 2018 ee Liverpool, isagoo tibaaxay inuu aaminsan yahay in kooxda ay u baahan tahay jiho cusub si ay wadada guusha cagta u saarto.

Real ma aysan gaarin taasi kaddib maqnaanshihiisa, iyadoo markii u ka ambabaxay si dhaqse leh u ceyrisay tababarayaashii ka dambeeyay ee Julen Lopetegui iyo Santiago Solari, kahor inta aysan ku qancin Zidane inuu ku laabto Bernabeu wax ka yar 10 bilood markii uu ka tagay.

Burburkii Barcelona ayaa u suurta geliyay Real inay ku guuleysato La Liga intii uu joogay Zidane xilli ciyaareedkii 2019/20, laakiin xilli ciyaareedkaan wuxuu u ahaa mid liita marka loo fiiriyo heerarka aadka u sarreeya ee kooxda, tababaraha Faransiiska ayaana si joogto ah u leexinayay su’aallo laga weydiiyay mustaqbalkiisa, waxayna u badantahay in markan uu si toosa uga ambabaxayo kooxda ka dhisan magaalada Madrid.

Halyeeyga Los Blancos Raul iyo tababaraha xulka Jarmalka dheer Joachim Low ayaa ah labo magac oo la hadalhayo inay noqon karaan bedelka ugu macquulsan ee Zinadene Zidane marka uu faarujiyo kursiga tababaraha kooxda koowaad ee Real dhowaan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Cayaartooy Muhiim Ah U Weyneysa AFCON

Read Next

Chelsea Oo Dib Usoo Ceshaneysa Romelu Lukaku

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?