Wijnaldum Oo Qarka U Saaran Ku Biirista Barca – Goormuu U Wareegayaa?

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Liverpool ee Georgino Wijnaldum ayaa laga yaabaa in uu sugo ilaa ay kooxda Barcelona iska fasaxayso Miralem Pjanic ka hor inta uuna si rasmi ah u xirin heshiiskii xorta ahaa ee la filayay in uu ugu biiro Camp Nou xagaagan.

Wijnaldum ayaa ku dhow dhammaadka qandaraaskiisa Liverpool mana uusan ogolaanin inuu kordhiyo qandaraaskiisa Reds, taasoo la micno ah inuu ka tagayo Anfield isagoo xor ah dhammaadka bisha June haddii aysan wax isbedelin.

Xiddiga reer Holland ayaa qayb muhiim ah ka ahaa kooxdii guuleysatay ee Liverpool ee uu Jurgen Klopp isku soo uruuriyay sannadihii u dambeeyay, isagoo kula guuleystay Champions League, FIFA Club World Cup iyo Premier League.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa lala xiriirinayay inuu u wareegayo Barcelona in muddo ah. Xiisaha ay u qabeen kooxda reer Catalan xagaagii hore waligood iskuma beddelin qaab rasmi ah, laakiin 30 jirkan reer Holland ayaa haatan laga yaabaa inuu noqdo mid ka mid ah saxiixyadii ugu fiicnaa ee 2021 waxaana durbaba loo maleynayaa inuu heshiis horudhac ah la meel dhigayo mustaqbalkiisa cusub.

Wijnaldum wuxuu xaq u leeyahay inuu si rasmi ah ula xaajoodo koox kasta oo dibedda ah maxaa yeelay waa lixdii bilood ee ugu dambeysay qandaraaskiisa, isagoo aan u baahnayn rukhsadda Liverpool. Kooxda Barcelona ayaana la filayaa inuu jaan iyo ciribba dhigo safarkiisa xiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *