Manchester United Oo Qorsheyneysa Saxiixa Pedro Neto

Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay 50 milyan ginni kula soo wareegto xiddiga kooxda Wolves Pedro Neto, sida laga soo xigtay The Sun.

Xiddiga kooxda Borussia Dortmund ee Jadon Sancho ayaa hogaaminaya liiska xiddigaha bartilmaameedka u ah kooxda Man United – kooxda ka ciyaarta Premier League ayaa ku dhawaatay saxiixa xiddiga reer England bilowgii xilli ciyaareedkan.

Laakiin United ayaa u aragta garabka reer Portugal Neto inuu yahay bartilmaameed kale oo imanaya Old Trafford.

Neto ayaa qaab ciyaareed fiican soo bandhigaya xilli ciyaareedkaan waxaana ku kici doona ugu yaraan kala bar qarashkii United loo sheegay in laga filayo inay ula tagaan Dortmund si ay u helaan xiddiga reer England e Sancho.

Manchester City ayaa sidoo kale la sheegayaa inay xiiseyneyso Neto, inkasta oo ay u muuqato inay mudnaanta siineyso ciyaaryahanka Aston Villa Jack Grealish.

Marka laga soo xiddiga reer Portugal ee Neto, kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa sidoo kale la rumeysan yahay inay xiiseynayaan garabka Leeds United Raphinha iyo midka kooxda Sporting Lisbon ee Pedro Goncalves.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *