Haaland Oo Go’aansaday Kooxda Uu Ku Biirayo

Weeraryahanka kooxda Borussia Dortmund Erling Braüt Haaland ayaa sheegay inuu doonayo inuu xagaaga isaga dhaqaaqo kooxda Jarmalka si uu safarkiisa xiga u tibaaxana waxa uu farta ku fiiqay kooxda uu daneynayo inuu ku biiro.

Kooxaha Manchester United iyo Chelsea ayaa kamid ah kooxaha aadka loola xiriirnayo xiddigan balse ma’ahan iyaga meesha uu doortay inuu ka cayaaro ololaha xiga.

Erling Haaland ayaa sheegay inuu doonayo inuu ku biiro kooxda Real Madrid xagaaga taasoo Real indhaha u fureysa si ay usii wado xiisaha ay u qabto da’yarkan wacdaraha ka dhigaya garoomada qaarada Yurub.

Haaland ayaa la sheegay inuu haysto qandaraas lagu burburin karo € 75million waxaana kooxda Real Madrid ay ku qasbantahay iney bixiso lacagtaas si ay u hesho adeegiisa , haddii ay awoodi weysana kooxa horboodaya ayaa jira oo soo jiidan kara indhaha 20 jirkan weerarka dheze ka cayaara.

Abdihakim Olad

Read Previous

Barcelona Oo Isha Ku Heysa Weeraryahan Arsenal U Safta

Read Next

Xaalada Odegaard Oo Meel Kale Maraysa Iyadoo Arsenal Ay Dooneeyso Saxiix Joogto Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?