Pogba Oo United Ku Hoggaamiyay Wareegga 8-da Xilli Ay Ka Talaabeen Milan

Paul Pogba ayaa dhaliyay billowgii qeybtii labaad ee ciyaarta si uu uga caawiyo kooxdiisa Manchester United in ay 1:0 uga adkaato Ac Milan cayaar lugtii hore kusoo idlaatay 1:1.

Pogba ayaa ka soo kacay kursiga keydka qeybtii hore ee ciyaarta si uu u dhaliyo goolka guusha isagoo darbo uu xagal adag ka laaday daba mariyey goolhaye Gianluigi Donnarumma.

Zlatan Ibrahimovic ayaa kaydka uga soo kacay Milan daqiiqadii 65-aad wuxuuna ku sigtay inuu gool ka dhaliyo kooxdiisii ​​hore. Madaxiisa waxaa joojiyay goolhaye Dean Henderson.

Guud ahaan ma jirin dhaqdhaqaaqyo badan oo cayaarta ah, Unitedna waxaa ku filnaatay goolkii Pogba si ay ugu gudubto wareegga 8 dhammaadka Europa League-ga wadar ahaaan goolal 2:1 ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *