Man City Oo Kooxo Badan Ku Garaacaysa Saxeexa Grealish

Kooxda kubbada-cagta ee Manchester City ayaa kaalin wanaagsan ugu jirta saxeexa kabtanka kooxda Aston Villa Jack Grealish, kaasoo lagu qiimeeyo adduun lacageed oo gaaraya £100 Milyan.

Sida ay ku waramayso Daily Mail, Grealish ayaa qarka u saarnaa inuu ku biiro kooxda Manchester United sannadkii horre balse kooxda shayaadiinta cascas lagu naaneeso ee United ayaa awoodi kari weysay inay bixiso lacagaha ay dalbaneyso kooxda Villa Park ku cayaarta.

Tababaraha City Pep Guardiola ayaa aad loogu yaaqaanaa inuu la dhacsanyahay xiddigan Ingiriisiga ah isagoo ku tilmaamay ‘mid aan caadi aheyn’.

Jack Grealish waa hanti weyn balse marka loo eego qiimaha Aston Villa ay weydiisanayso kooxaha xiiseeynaya, waxay la micno tahay in Manchester City ay safka hore kaga jirto saxeexiisa sida lagusoo waramayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *