Lucas Vasquez Oo Diiday Inuu Heshiis Cusub U Saxeexo Real & Xaaladiisa Oo Meel Xun Maraysa

Xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid Lucas Vazquez ayaa haatan dhageysanaya dalabyada uga imaanaya meelo kale kaddib markii wadahadalo qandaraas kordhin ah oo uu Real la lahaa uu gaaray meel xun.

Vazquez, oo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo xagaaga, ayaa ku riyoonaya inuu sii joogo kooxda Los Blancos balse wuxuu kooxda uga digay inuu doonayo in qandaraaska uu dalbanayo la buuxiyo kahor dhammaadka bisha Maarso, markaas kaddib wuxuu bilaabi doonaa inuu xaarto wadadii uu uga tegi lahaa kooxda Real.

Real ayaa isha ku heysa inay sii heysato Vazquez, iyadoo u aragta inuu u soo ifbaxayo mid ka mid ah ciyaartoyda ugu qiimaha badan adduunka, balse wadahadalada ayaa hakad gelay kaddib raadinta uu 29 jirkaan ku dalbanayo mushahar kordhin, xilli Real ay weydiineyso ciyaartoyda inay yareeyaan.

Marca ayaa qortay inuu jiray kulan kale oo dhex maray Real iyo wakiilka Vazquez horraantii todobaadkan, laakiin wadahadalada ayaa dhammaaday iyadoo aan wax guul ah laga gaarin waxayna labada dhinac bilaabeen inay aqbalaan in heshiiska uusan u dhici doonin sidii ay iyagu doonayaan sidaa darteedna in lagu kala tago ay u badantahay.

Real ayaa weydiisatay Vazquez mushahar dhimis 10% ah, sida ay horeyba xubno kale oo kooxda ka tirsan u ogolaadeen inay sameeyaan, laakiin cayaaryahankan garabka weerarka ka xamaasha ayaa dhabtii raadinaya koror ku dhowaad 15% – wax Real ay ku adkeysaneyso inaysan macquul aheyn.

Abdihakim Olad

Read Previous

Jose Mourinho ‘Diyaar Uma Ahan Inuu Ka Hadlo’ Guuldarradii Tottenham Ee Arsenal – Muxuu Ku Sababeeyay?

Read Next

Spurs Oo Laga Reebay Europa League-ga Xilli Tababaraha Cusub Ee Dinamo Uu Taariikh Sameeyay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?