Maxay Aheyd Hambalyada Zidane Udiray Ciyaartoyda Real Madrid?

Tababaraha Kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa Hambalyo udiray ciyaartoyda Kooxda sida lagu arkay Qoraalo ay Warbaahinta ka sameeyeen.

Zidane ayaa Hambalyada uu soo diray ka dambeysay markii ay garaaceen Kooxda Atalanta kadibna usoo gudbeen 8 dhamaadka Koobka Champions League.

Waa mid dadka ciyaaraha daawada la yaab ku noqotay arintaas uu sameeyey Macalimuu Zidane sida inay qaadeen Kooxda Koob oo kale ugu farxay tahniyadna uu soo diray.

Karim Benzema & Kabtan Sergio Ramos ayuu si gaar ah ugu amaanay doorkoodii ku aadanaa geesinimadii ay muujiyeen kulankii Xalay ay kasoo badiyeen Atlanta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *