Koox Dheesha Bundesliga Oo Tababarkii Maanta Covid19 Ubaajisey

Kooxda Kubada Cagta Cologne Ee Dheesha Bundesliga Jarmalka ayaa waxay maanta baajisey Qorshe ay Tababar ku qaadan lahaayeen Ciyaartoydeeda.

Fc Cologne ayaa la sheegay in Shaqaalaheeda Qaar laga helay Caabuqa Covid19 sidaa awgeedna ay noqotay in Tababarkii Arbacada Maanta uu qabsoomi waayo.

Kooxdaan oo ka dhisan Magaalada Cologne ayaa Qaarkood shaqaalaha Kooxda markii cudurka laga baaray Xalay Positive noqdeen oo laga helay.

Lama magacaabin Shaqaalaha cudurka laga helay waxaana lasoo tebinayaa in ay noqdeen ciyaartoyda kuwo fasax laga dhigay.

Sida ku jadwaleysan Kooxda Cologne ayaa Sabtida wajaheysa Kulan katirsan Horyaalka Jarmalka Naadiga Borussia Dortmund lamana oga in la baajin doono Ciyaartaasi maadaama ay tababarkii kooxda maanta qabsoomin.

Admin

Read Previous

Milan & Napoli Oo Ku Dagaalamaya Laacib Katirsan Barcelona

Read Next

Klopp: ” Waan Jeclaan Lahaa Inaan Jarmalka Leyliyo Balse…”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?