Zlatan Ibrahimovich Oo Diiday In Qandaraas Cusub Saxiixo

Zlatan Ibrahimovich ayaa warar soo baxay maanta oo talaado ah sheegaya inuu diiday Qandaraas cusub in Kooxda Ac Milan usaxiixo.

Weeraryahanka Reer Sweden ayaa umuuqda mid ka huleeli kara Garoonka sansiro Ee Milan ku ciyaarto Magaalada Milano Dalka Talyaaniga.

Inkastoo Ibra uu sameeyey xagaagaan dedaal badan Goolal badana ku caawiyey kooxdiisa ayaa la sheegay in loo arko mid da’diisa iyo qaab ciyaareedkiisa kala duwan yihiin.

Majalada Calcio Mercato ayaa aragtay Xog hoose oo ah inuu diiday Ibra Saxiix cusub uu la galo Kooxdiisa Ac Milan.

Ibrahimovich ayaa laga codsaday in sanad dheeraad ah usaxiixo kooxda maadaama ay kaalmaha Afarta sare ku dhameysan karto xagaagaan ayna dooneyso in Champions League ay iska soo xaadiriso.

Admin

Read Previous

Laacib Ay Raadinayaan Man United & Barcelona Oo Laga…

Read Next

Chelsea Oo Cabsi ka qabta inuu ka tego Ciyaaryahan Muhiim Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?