Macalinka Dinamo Zagreb Oo Xabsi Loo Taxaabay Kahor Kulanka Tottenham Ee Europa League-ga

Zoran Mamic ayaa iska casilay shaqaddii leylinta kooxda Dinamo Zagreb kaddib markii lagu xukumay xabsi affar sano iyo siddeed bilood ah musuqmaasuq awgeed.

Xukunka waxaa soo saaray Isniintii Maxkamadda Sare ee Croatia waxaana xaqiijisay idaacadda qaranka ee HRT, wuxuuna ku soo aadayaa xilli ay kooxda ku howlaneyd isku diyaarinta lugta labaad ee wareegga 16ka Europa League-ga oo ay la cayaarayaan kooxda Tottenham ee dalka Ingiriiska khamiista soo aadan.
Tababare Mamic ayaa horraan waxa uu bayaan ay soo saartay kooxda ku xaqiijiyay inuu ilaalin doono eraygiisa si uu uga tago shaqadiisa haddii xukun dambiyeed lagu rido.

 “In kasta oo aanan dambi dareemin, hadana waan is casilay sidaan horayba u sheegay inaan sameynayo, Waxaan kooxda u rajeynayaa nasiib wacan,” ayuu yiri.
Maxkamadda Sare ee Croatia waxay sidoo kale xaqiijisay (iyada oo loo marayo Reuters) in Mamic walaalkiis, Zdravko, oo hore uga shaqeyn jiray kooxda Dinamo isna lagu xukumay lix sano iyo bar xabsi ah, halka aggaasimihii hore ee Dinamo Zagreb Damir Vrbanovic uu isna wajahayo  xabsi seddex sano ah.
Seddexdan nin ayaa lagu helay dambi la baxsasho canshuur ah oo u dhiganta £1.37 milyan iyo musuq maasuq £13.13 milyan oo ay ka heleen kala iibinta cayaartooy.
Dinamo ayaa xaqiijisay magacaabista laacibkeedii hore Damir Krznar kaasoo loo doortay tababarahooda cusub, iyadoo tijaabadiisii ​​ugu horreysay uu wajahayo kulanka khamiista ee lugta labbaad ee wareegga 16ka Europa League-ga markaasoo laga doonayo inuu wax ka badalo guuldarradii lugtii hore ee 2:0 looga adkaaday kooxda reer Croatia.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *