Kooxo Ka dhisan London Oo isku Heysta Paulo Dybala

Kooxo Ka dhisan Magaalada London Caasimada Dalka Ingiriiska ayaa isku heysta soo qaadashada Laacibka Paulo Dybala.

Dybala ayaa looga gacan haatinayaa Horyaalka Premier League iyadoo Chelsea iyo Tottenham mid walbo ay iyada isla rabto.

Labada Naadi ayaa mid walbo soo bandhigtay Xiisaha ay uhayaan Weeraryahankaan reer Argentina inay helaan.

Wargeyska France Football ayaa daabacay in Kooxahaan ay ku suuq raadinayaan lacag gaareysa £48 million inkastoo la ogeyn inay heli karaan.

Kooxda Juventus weli kama aysan hadlin dalabka laga soo gudbiyey Laacibkeeda oo Cristiano Ronaldo kasokoow isaga u yahay Furaha ay ku tashan jireen.

Chelsea ayaa udhaw dalabka iyadoo macalin Mourinho iyo Kooxdiisa Tottenham aysan ka rajo dhigin inay ku guuleystaan soo qaadashada Dybala.

Dalabka laga gudbiyey xiddigaan ayaa kusoo aadaya xilli warar soo baxay ay sheegayeen in Cristiano ay ubadan tahay ka tegista Marwada Duqa Kooxda lagu naaneyso Ee Juventus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *