Ibrahimovich Oo Xulka Sweden Dib Loogu Yeeray 5 Sano Kaddib

39 Sano jirka Zlatan Ibrahimovich ayaa Dib ugu soo laabtay Xulka Qaranka Sweden uu dib uga soo muuqan doono Kulamada ay ciyaarayaan.

Ilaa 2016-kii ayaa Ibrahimovich waxa uu ku dhawaaqay iskaga fadhiisiga ciyaaraha Caalamiga ah.

Laakiin Hadda in dib loogu yeero ayaa lagu micneeyey inuu la yimid Qaab ciyaareed la jecleysan karay oo aad umuhiim ahaa.

Kulamada kusoo Wajahan Kooxda Sweden Ee kala ah Kuwa ay wajahayaan Xulalka Georgia, Kosovo iyo Estonia ayuu ciyaari doonaa.

Ibra ayaa 62 gool dhaliyey kadib 116 Kulan uu kasoo muuqday Dalkiisa Sweden iyadoo dib ugu yeeritaankiisa ay Warbaahinta aad u hadal heyso.

Ac Milan uu hadda katirsan yahay Dalka Talyaaniga ayuu 21 Kulan uu kasoo Muuqday Xagaagaan Ibra waxa uu udhaliyey 16 gool waana dedaal badan uu bixiyey.

Ibrahimovich ayaana ku qaadan Wakhti fiican Kooxda Manchester United sida ay aaminsan yihiin dadka ciyaaraha Laacibkaasi daawada.

Admin

Read Previous

Website-kii & Akoonadii baraha Bulshada Real Madrid Oo La Jabsaday

Read Next

Kaddib Goolkiisii 21aad Ololahan, Waa Maxay Rikoorka Uu Messi Jabinayo?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?