Barca Oo Heshiis La Gaartay Aguero

Kooxda Barcelona ayaa heshiis afka ah la gaartay weeraryahanka kooxda Man City ee Sergio Aguero si ay xagaagan ugu soo biiriso Camp Nou heshiis laba sano ah.

Aguero ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhammaadka ololahan, wuxuuna ku jiraa liiska ugu sarreeya ee bartilmaameedyada kooxda Barcelona, ​​iyadoo madaxweynaha cusub ee kooxda Joan Laporta uu doonayo inuu kula middeeyo saaxiibkiisa caalamiga ah Lionel Messi heer kooxeed.

Warar ku saabsan ‘dalab rasmi ah’ oo Aguero ay ka gudbisay Barca ayaa soo ifbaxay todobaadkii tegay, haatanna AS ayaa sheegeysa in heshiis lagu gaaray in labo sano uu qalinka ugu duugo kooxda Blaugrana.

Aguero ayaa laga yaabaa inuu raaco xiddiga City Eric Garcia oo isna jidka ugu sii jira garoonka Camp Nou.

Xiddigan ayaa la sheegay inuu ‘aad ugu dhow yahay’ inuu xiro heshiiska, inkastoo qandaraaskiisa aan weli la saxiixin sababtoo ah Laporta weli ma uusan qabanin xilka madaxweynenimo ee kooxda.

Carlos Tusquets ayaa wali gacanta ku haya waqtigan mana dhammeyn doono wax heshiis ah sida lasoo warinayo.

Marka laga yimaado imaatinka Laporta, waxaa sidoo kale la soo jeediyay in mustaqbalka Aguero uu ku jiri karo gacanta Messi.

Dhan ahaan waxaa loo arkaa inay tahay xeelad gaar ah oo looga golleeyahay in uu Messi ku faraxsanaado kooxda kaddib imaatinka saaxiibkii, warbixinta ayaa intaa ku daraysa in laga yaabo in Lionel Messi la siiyo go’aanka ugu dambeeya ee ku saabsan inuu Aguero saxiixaayo iyo in kale.

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Labba Cayaaryahan Lasoo Saxiixaneysa, Aguero Oo Messi Kula Middoobaya Barca & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Maanta

Read Next

Man United Oo Haaland Ka Dhigatay Bartilmaameedkooda Ugu Weyn Suuqa Xagaaga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?