Steven Gerrard Oo Amar Qasab Ah Dul Dhigay Taageerayaasha

Tababaraha Kooxda Rangers Ee Dalka Scotland Steven Gerrard ayaa ka dalbaday Taageerayaasha Kooxda inay guryahooda ku negaadaan Kulanka Isbuuca Dambe ay la dheelayaan Naadiga Celtic

Kooxda Ku Dheesha Garoonka Ibrox ayaa Macalimuu Gerrard waxa uu tani ku micneeyey mid looga goleeyahay Xakameynta Faafitaanka Covid 19.

Kumanaan Taageerayaasha ka mid ah ayaa jebiyey Axada Maanta ah Bandowgii Dawlada soo rogtay iyagoo tegay Xero Ciyaartoyda lagu tababaro si ay usoo daawadaan.

Sabtida soo socota oo 21-ka bisha ku beegan ayey fooda is dari doonaan Celtic Galascow iyo Rangers kulan katirsan Horyaalka Scotland.

Warsaxaafadeed Xalay Kooxda Rangers Soo saartay ayaana Taageerayaashooda lagu war geliyey inaysan kasoo qeyb gelin ciyaartaasi Isbuuca dambe dhaceysa oo ay guryahooda kaga soo sacbiyaan Naadiga.

Admin

Read Previous

Wilfried Zaha Oo Sabab Layaab Leh U Diiday Inuu Jilba-joogsado – Waa Maxay?

Read Next

Jesse Lingard Oo U Hanjabay Man United Ka Hor Kulanka Caawa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?