Shalay Maanta Ku Iloow “Messi Ayuu La Kulmay Isagoo Yar & Isagoo Ah…

Da’yar katirsan Naadiga Barcelona Qeybteeda Junior-ka ayaa kashifay Labo Sano Ka hor in Aabihiis ka hor istaagay inuu ku biiro Mancheter City.

Ciyaaryahankaan oo lagu magacaabo Ilaix Moriba ayaa Majalada Ciyaaraha ka faaloota Ee Goal.com waxay maanta oo Axad aheyd sheegtay in hormarkiisa uu yaallo Garoonka Camp Nou oo loo diiday inuu ka tego Barca.

Ciyaaryahanka Aabihiis wonderkid Ilaix Moriba ayaa gebi ahaanba wax kama jiraan ka dhigay 2019 Safar uu ugu duuli lahaa Etihad Stadium Oo Manchester City ku dheesho halkasna uu ku biiri lahaa.

Ilaix Moriba oo khadka dhexe dheela ayaa sheegay in uu weli sugayo sanadkaan in looga yeero si toos ah Kooxda Heerka koobaad Ee Barcelona welina waxa uu ka ciyaaraa Kooxda Ciyaartoyda ka yar 19 sano jirka.

Kulan Isbuucii hore Barcelona ay 2-0 Osasuna ku legaday ayuu midkood goolasha Kooxda Catalan udhaliyey Moriba kadib Baas qurxan uu ka helay Messi.

Waa 18 jir ku dhashay Dalka Spain balse Waa Madoow Asal Ahaan kasoo jeeda Qaarada Africa,waxaana uu hadda yahay mid ay Raadinayaan Kooxo Yurub magac iyo Maal ku heysta sida Chelsea iyo Man United.

Moriba ayaa mar aad ujeclaa inuu ka garab ciyaaro Messi,isagoo da’ yar ah ayuu sawirro la geli jiray markii messi Kooxda uu garoonkeeda usocdo,Dedaalaa waa gaaraa,Shalay Maanta ku iloow.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *