Roosihii Dilay Tottenham & Guushii Caawa Arsenal Oo 10aad Keentay

Gool uu dhaliyay Martin Odegaard iyo rigooradii Alexandre Lacazette ayaa ka caawisay Arsenal inay guul dirqi ah ka gaaraan 10 ciyaaryahan oo Tottenham ah iyadoo kulankii xiisaha badnaa ee North London Derby uu kusoo idlaaday 2-1.

Lacazette ayaa calaamadda kabtanimada qaatay kadib markii kabtan Pierre-Emerick Aubameyang la dhigay kursiga keydka kaddib markii uu jebiyey qawaaniinta anshax marinta. 

Ilo wareedyo ayaa u sheegay ESPN in kursiga keydka la dhigay kaddib markii uu goor dambe oo saaka ah yimid xarunta tababarka ee kooxda.

Erik Lamela oo beddel kusoo galay cayaarta kaddib dhaawicii Son isagoo kooxdiisa siiyay hoggaan quruxbadan kaddib markii uu gool lugo is dhaaf ah ka dhaliyay goosha Gunners ee goolhaye Leno uu waardiyaha ka ahaa taasoo ka gashay dhinaca fog ee hoose.

Kaddib goolkaasi, Lamela ayaa ku dhaqaaqay falal anshax-xumo ah isagoo cayaar xamaasadu ay qaatay darteed loo taagay kaarka jaallaha qeybtii hore kahor inta uusan qalad nacasnimo ah ku muteysan kaarka labbaad oo jaalle ah taasoo ka dhigan in qeybtii labbaad loo taagay casaan iyadoo kooxda Spurs ay noqotay 10 cayaaryahan.

Goolka uu hoggaanka ugu dhiibay kooxdiisa Spurs ayaa Lamela uga dhiggan inuu heysto mid kamid ah goolasha ugu qurxoon xilli-cayaareedkan Premier League-ga.

Martin Odegaard ayaa dhaliyay goolkiisii ​​ugu horreeyay ee Premier League-ga si uu u barbarreeyo cayaarta oo kooxdiisa Gunners gool lagu hoggaaminayay,  kahor inta uusan Lacazette  gool u rogin rigooradii shannaad ee xilli ciyaareedkan si uu kooxda Mikel Arteta u siiyo guul ay u baahnaayeen.

Waxay u Arsenal u aheyd nasiib darro kaddib iyagoo ku raaxeysanaya inta badan heysashada kubbada iyo guud ahaan cayaarta ayay mar qura Tottenham oo carraysan weerarro aan loo meel dayin kuwaasoo kudhowaad madax xanuun ku sababay  tababare Arteta iyo kooxdiisa.

Harry Kane ayaa loo malaynayay inuu dhaliyay goolka barbarraha todobo daqiiqo markii ay cayaarta ka dhimantahay laakiin waxaa la ogaaday inuu Offside ku jiray goolkiina waa la diiday. 

Kabtanka England ayaa markale birta ku dhuftay laad xor ah oo uu ka tuuray banaanka diilinta ganaaxa daqiiqado kaddib.

Intaa ayay ku ekaatay xamaasadii iyo xiisihii kulankii 203aad ee North London Derby oo markii ugu horreysay ay guusha ku raacday inta uu tababare Arteta hoggaaminayo kooxdiisa Arsenal.

Admin

Read Previous

Inter Milan Oo Guul Dirqi Ah Gaartay Hogaankana sii Dheereysatay

Read Next

Cristiano Ronaldo Oo Caawa Dhaliyey Seddexleydii 57aad

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?