Pogba Oo Boorsadiisa U Xir xiranaya Faransiiska

Naadiga PSG Ee Caasimada Faransiiska Ka dhisan ayaa dalab udirsatay Qalbada Dhexe Ee Kooxda Man United Paul Pogba.

Paris Saint-Germain ayaa qarsan weysay Xiisaha ay uqabto inay hesho Pogba oo si toos ah boos uga heysan United sidaa awgeedna ay codsatay in laga iibiyo.

Majalada afka dheer Foot Mercato ayaa maanta shaacisey in 27 sano jirkaan Dalkiisa Faransiiska inuu uboorso xir xirto macquul tahay Xagaagaan inta uusan dhamaan.

Pogba oo Koobkii Adduunka Xulkiisa Faransiiska usahlay inay qaadaan 2018-kii Ruushka lagu qabtay ayaan boos joogto ah ka heysan Kooxda uu hadda u ciyaaro.

Waxa Ciyaaryahanka qudhiisa uu wada hadal la furay Kooxda Manchester United si ay ufasaxaan inkastoo Sanad uu ka dhiman yahay Qandaraaska uu saxiixay ilaa October 2022 ayuuna dhacayaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *