Jesse Lingard Oo U Hanjabay Man United Ka Hor Kulanka Caawa

Laacibka 28 sano jirka ah Jesse Lingard ayaa lasoo baxay Farsamooyin Ciyaareed oo soo jiidasho ku keenay Maamulka iyo Ciyaartoyda Kooxdii uu kasoo tegay Dhawaan Ee Man United.

Bishii Janaayo Ee Sanadkaan ayaa Amaah ay United ugu dirtay Lingard Kooxda Reer London Ee Westham United.

Tababare David Moyes ayaa sida Faras Colaadeed loo carbiyey oo kale ka dhigtay Lingard waana tan keentay in uu shacbiyadii liidatay Naadiga Hammers-ka uu sare u qaado.

Macalinka Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku hawoonaya dib usoo celista Xiddigaan Da’da yar Ee Fursada fiican aan ka helin Old Trafford balse uu hadda Naadiga London Stadium ku dheesha uu wacdaro cajiib ah kusoo bandhigayo.

Waxa uu sameeyey Fursado Cajiib ah Kulankii ay Aston Villa la ciyaareen isagoo Kulanka Naadigii uu ka yimid Man United Caawa ka hor tegayo uu rajo ka qabo inuu West Ham ku hogaamiyo Guul.

Qaar ka mid ah Warbaahinta Ciyaaraha ka faalooda Dalka Ingiriiska ayaa qaba in Lingard uu waxyaabo mahadho ku noqda ka sameyn karo Garoonkii lagu ciilay Ee Old Trafford Kulanka Caawa Ay West Ham iyo United Wada dheelayaan.

Admin

Read Previous

Steven Gerrard Oo Amar Qasab Ah Dul Dhigay Taageerayaasha

Read Next

DERBY LONDON: Arsenal VS Tottenham (Arteta Oo Walaac Muujiyey)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?