Inter Milan Oo Guul Dirqi Ah Gaartay Hogaankana sii Dheereysatay

Naadiga Inter Milan ayaa gaartay Guul dhib badan ay u martay iyadoo daqiiqadihii ugu dambeeyey gaartay Guushaasi kulankii ay Galabta la ciayartay Kooxda Torino.

Kulankaas oo ahaa mid iska degganaa balse Kubada ay aheyd mid xifaaltan adag lagu sameeyey ayaa Jaalle keliya la bixiyey oo lasiiyey Inter Milan.

Qeybtii Koobaad ayaa 0-0 Gool la’aan ku dhamaatay waxaana ay abuureen Labada naadi Fursado goolal loo fishay.

Daqiiqadii 62aad ayaa Gool ku laad ama Rigoore ay Nerra Azuhri heshay waxaa gool ubadelay Romelu Lukaku.

Torino ayaa iska diiday Goolkaasi oo 8 daqiiqo kadib iska soo bareejeysay Goolkaas waxaana udhaliyey Antonio Sanabria daqiiqadii 70aad.

Inter ayaa dedaalkii ay laba jibaartay waxaana 85 daqiiqo iyadoo shan daqiiqo Ciyaarta ka dhiman ay dhalisey Goolka Guusha uu usahlay Laacibka Lautaro Martinez sidaana ay 2-1 Inter Milan ku adkaatay.

Waxay Inter sii dheereysatay Dhibcaha Hogaanka Horyaalka Serie A Talyaaniga iyadoo 27 Kulan aruursatay dhibco gaaraya 65 Dhibcood,halka Ac Milan oo kusoo xigta 26 Kulan ay heysato 56 dhibcood.

Admin

Read Previous

Ma’aha Bernebeu – Garoonka Ay Real Ku Cayaarto Kulamada Gurigooda Iyo Sababta Ka Dambeysa

Read Next

Roosihii Dilay Tottenham & Guushii Caawa Arsenal Oo 10aad Keentay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?