DERBY LONDON: Arsenal VS Tottenham (Arteta Oo Walaac Muujiyey)

Mid ka mid ah kulamada addag ee kaalandarka Premier League-ga ayaa ka dhici doona garoonka Emirates Stadium galabnimada Axadda Maanta ah iyadoo Arsenal ay soo dhoweyn doonto Tottenham Hotspur kulanka North London derby.

North London Derby waa kulan aad u addag xilli-walba, balse xilli cayaareedkan waxa uu qaadan doonaa culays gaar ah iyada oo labada kooxood ee Arsenal iyo Tottenham Hotspur ay isha ku hayaan in ay xilli-cayaareedka tijaabada ah ku dhammeeyaan qaab xarago leh.

Labaduba waxay ku fashilmeen inay ku noolaadaan filashooyinkooda, Spurs ayaa ku guuldarreysatay inay joogteeyso qaab ciyaareedkoodii fiicnaa intii lagu guda jiray mashruuca dib-u-bilaabashada iyadoo tababare José Mourinho uu weli awoodi la’yahay in uu aqoonsi ka sameeysto kooxda, halka Mikel Arteta uu gabi ahaanba ku guuldarreystay inuu helo cabir joogto ah oo kooxdiisa Arsenal ah.

Dadka ciyaaraha Daawada ayaa u arka in Arsenal ay tabar dari badan ka muuqato balse Macalin Arteta ayaa sheegay in mar walbo uusan jecleyn Kulamada London Derby marka ay yihiin.

Xogta Kulanka

Kulanka: Arsenal Vs Tottenham Hotspur

Wakhtiga: 19:30 XGA

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Michael Oliver

Shaxaha Macquulka Ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *