Chelsea Oo Udhaw Helitaanka Laacibka Erling Haaland

Kadib wada hadalo muddooyinkii dambe socday Kooxda Blues ayaa ku dhaw helitaanka Weeraryahanka Dunida is baray Ee Erling Haaland.

Garab weerarkii hore Ee Chesea Joe Cole ayaa rajo ka qaba in Xagaagaan inta uusan dhamaan Kooxda Stamford Bridge kusoo biro Haaland.

Naadiyo badan ayaa codsiyo udirsaday sidii ay ku heli lahaayeen dhaliyaha Goolasha wiilkaan ku wacan Ee Udheela Kooxda Reer Jarmal Ee Borussia Dortmund.

Macalinka Chelsea Thomas Tuchel ayaa qaadaya wadiiqo walbo oo naadiga Blues-ka meel sare ugeyn karo,isagoo hadda Kaalinta Afaraad kooxda keenay tan iyo markii la ceeriyey Frank Lampard Bishii Janaayo Sanadkaan.

Khubarada Ciyaaraha Falanqeeya ayaa waxay is weydiinayaan Haaland shumaciisa ma demi doonaa si la mid ah Falcao,Torres,Shevchenko iyo Werner oo dhamaantood Lamar 9 ahaa balse ku fashilmay Chelsea markii ay yimaadeen.

Admin

Read Previous

Shumiskii Iker Casillas & Xaaskiisa 2010-kii Hadda Waa Eber

Read Next

Shalay Maanta Ku Iloow “Messi Ayuu La Kulmay Isagoo Yar & Isagoo Ah…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?