CAJIIB: Goolkii Lamela Ee Lugo Isdhaafka Ahaa Kulankii Arsenal Oo Taariikhda Galay Balse Ma’ahan Kiisii Ugu Wacnaa Goolasha Rabona Loo Yaqaano

Cayaaryahan Erik Lamela oo u dhashay xulka Argentina ayaa kulankii North London Derby dhaliyay goolka kaliya ee kooxda Spurs oo 2:1 looga adkaday balse wuxuu kani ahaa mid indha-qabad leh.

Eric Lamela ayaa dhaliyay mid kamid ah goolasha loo yaqaano Rabona oo lugo-isdhaafka ah isagoo ku sugan sanduuqa diilinta ganaaxa ee kooxda Arsenal markaasoo uu kubbad hooseeysa ka dhaliyay dhinaca fog ee goosha gunners, hayeeshee waxa xamaasada qariibka ah ee goolka yarreynaya ayaa ah in uusan ahayn kiisii ugu fiicnaa ee uu caynkan u dhaliyo.

Halkan hoose ka daawo goolka.

https://youtu.be/NeCrMMYtKcM

Waxaa la xasuustaa sannadkii 2014kii gool cajiib ah oo Rabona ah oo uu ka dhaliyay kulan ay Spurs la cayaareysa kooxda Asteras kaasoo ka tirsanaa koobka Europe League-ga.

Markan waxa uu goolka ka dhaliyay meel ka baxsan diilinta ganaaxa iyadoo kubbaduna ay ahayd mid kor ka gashay dhinaca middig ee goosha.

Abdihakim Olad

Read Previous

Cristiano Ronaldo Oo Caawa Dhaliyey Seddexleydii 57aad

Read Next

Arsenal Oo Labba Cayaaryahan Lasoo Saxiixaneysa, Aguero Oo Messi Kula Middoobaya Barca & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Maanta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?