Wilfried Zaha Oo Sabab Layaab Leh U Diiday Inuu Jilba-joogsado – Waa Maxay?

Wilfried Zaha ayaa noqday cayaaryahankii ugu horreeyay ee go’aansada in aanu jilbaha dhulka dhigan kahor inta aysan cayaar bilaaban. “Ma jirto go’aan qaldan iyo mid saxan, balse waxaan dareemayaa in jilbaha dhulka la dhiganayo cayaaraha kahor ay noqotay wax joogto noo ah. Haddii aan jilba joogno ama aan istaagno, qaarkeen ayaa wali helaya xadgudubyada.” Ayuu yiri Wilfried Zaha.”

Geerida George Floyd, oo ahaa nin madow oo uu dilay sarkaal boolis ah dhacdo ka dhacday magaalada Minnesota bishii May 2020ka, ayaa dhalisay caro adduunka oo dhan ah iyo sidoo kale toddobaadyo mudaaharaadyo ah.

Muuqaalo fiidiyow ah ayuu kasoo muuqday sarkaal Derek Chauvin oo jilbaha u dhulka kula haya Floyd qoortiisa muddo sagaal daqiiqo ah, in kasta oo Floyd si maqal ah u yidhi ma neefsan karo.

Kaddib dhacdadaasi carada badan dhalisay ayaa kahor cayaar walbo waxaa lagu maamuusaa daqiiqado aamusnaan ah iyadoo jilbaha dhulka loo dhigayo si loola dagaalamo Madow-nacaybka dunida ka jira.

Abdihakim Olad

Read Previous

C.Ronaldo Oo Kusii Jeeda PSG Ama Real – “Juventus Macsalaama! “

Read Next

Steven Gerrard Oo Amar Qasab Ah Dul Dhigay Taageerayaasha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?