C.Ronaldo Oo Kusii Jeeda PSG Ama Real – “Juventus Macsalaama! “

Kaddib markii ay kooxda Porto ay si layaab Champions League-ga uga reebtay kooxda Juventus isbuucan, waxa shaki la gelinayaa mustaqbalka Cristiano Ronaldo ee kooxda Cajuusada.

PSG ayaa tixgelineysa inay Ronaldo u dhaqaaqdo xagaaga sidoo kalena meesha lagama saarin suurtagalnimada uu ugu laaban karo kooxdiisii hore ee Real Madrid.

Wararka ayaa sheegaya in wakiilka xiddigan uu wadahadalo gaar ah kula jiro kooxda Real.

Ronaldo ayaa Juventus kusoo biiray sannadkii 2018kii , ujeedada ugu weyn ee Juve ay ulasoo saxiixatay ayaa ahayd in uu ka caawiyo ku guulleeysiga koobka Champions League-ga balse taa ma aysan suuragalin waxaana Juventus laga ciribtirtay koobkan xilli-cayaareedkii 3aad intii uu Ronaldo joogay kooxda.

Warar hore oo soo baxayay ayaa waxay soo jeedinayeen in Juve ay u furan tahay inay iska dirto Ronaldo, kaasoo mushaarkiisa uu ciriiri geliyay kuwa saaxiibadii.  

Sannadkii tegay, waxaa la shaaciyay in cayaaryahanka shanta jeer ku guulleystay abaalmarinta Ballon d’Or uu afar jeer ka mushahar badan yahay cayaaryahanka labaad ee ugu mushaharka badan kooxda, Matthijs de Ligt.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *