United Oo Fletcher U Magacaawday Agaasimaha Farsamada Kooxda

Kooxda Manchester United ayaa cayaaryahankoodii hore ee Darren Fletcher u magacaawday agaasimaha farsamada ee kooxda iyadoo agaasimihii hore ee Murtough u dallacsiisay agaasimaha kubbada-cagta ee kooxda.

Darren Fletcher reer scottish ah ayaa United u safanayay tanniyo 2003dii kahor inta uusan cayaaraha ka fariisan sannadkii 2015kii.

Fletcher ayaa haatan shaqo ka helay kooxdii uu kasoo xamaashay markuu cayaaryahanka ahaa.

Fletcher ayaa ka yiri magacaabistiisa: “Aad ayey u fiicantahay inaan ku soo laabto kooxda, waana ku faraxsanahay inaan qabto xilkaan cusub, waxaan u soconaa wadada saxda ah, waxaana rajeynayaa inaan sii wado la shaqeynta Ole iyo kooxdiisii ​​tababarka, oo hada Murtough uu yahay agaasimaha kubbada-cagta, waxaan gacan ka geysaneynaa keenida ciyaartoy da ‘yar ah si loo sii horumariyo kooxda.”

Abdihakim Olad

Read Previous

Arsenal Oo Heshay Beddelka Hector Bellerin

Read Next

WAR CUSUB: Timo Werner Oo Ka Tagaya Chelsea!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?