Garsooraha Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda-Cagta

Pierluigu Collina maalmo kahor waxaa loo doortay garsooraha ugu wanaagsan taariikhda kubbada-cagta waxaana abaalmarintaasi guddoonsiisay majaladda France Football.

Garsoorahan wuxuu ku hadli karaa 4 luuqadood (Faransiis, Ispanish, Talyaani, iyo Ingiriis).

Kahor inta aysan billaaban cayaar walba wuxuu daraaseeyaa cayaaryahanada labada koox isagoo xifdinaya magacyada koowaad ee mid kasta.

Koobkii Adduunka ee 2002, Ronaldo ayaa siiyay funaanadiisa kaddib cayaar dhexmaraysay Brazil iyo Jarmalka, iyadoo labada dhinac ay ugu hambalyeeyeen bandhigiisii kulankaas maadaama uu ahaa mid si arxan daran u bixinaya kaararka.

Waa garsooraha keliya ee lagu maamuusay garbadka ama daboolka cayaar gacameed, waxaana uu kasoo muuqday cayaar gacameedkii PES 3.

Abdihakim Olad

Read Previous

Gunners Oo Xasuuq Arxan Darran Ka Badbaadday Iyadoo City Ay Sii Joogteysay Rikoorkoodii Guulaha

Read Next

Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Jerome Boateng

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?