Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Jerome Boateng

Kooxda Chelsea ayaa heshiis horudhac ah la gaartay dambeedka-dhexe ee kooxda Bayern Munich Jerome Boateng.

Bayern ayaa shaacisay in 32 jirkani uu ka tagi karo kooxda marka uu suuqa xagaaga furmo.

Boateng ayuu tababaraha cusub ee Chelsea Thomas Tuchel u xushay inuu safkiisa ku xoojiyi xagaaga, sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya Jarmalka.

Hayeeshee Chelsea ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa daafacyada kala ah Dayot Upamecano, David Alaba iyo Niklas Sule.

Waxaana Blues ay sidoo kale dooneysaa inay ceshato daafac Thiago Silva oo qandaraaskiisa uu dhacayo xagaaga, iyadoo lagu wado in wadahadalo heshiis kordhin ah uu u labada dhinac u qabsoomo goordhow.

Abdihakim Olad

Read Previous

Garsooraha Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda-Cagta

Read Next

Arsenal Oo Heshay Beddelka Hector Bellerin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?