Arsenal Oo Heshay Beddelka Hector Bellerin

Arsenal ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato dambeedka-middig ee kooxda Inter Achraf Hakimi si ay beddel uga dhigto Hector Bellerin, sida ay qortay The Telegraph.

Bellerin ayaa lala xiriirinayaa inuu isaga dhaqaaqo garoonka Emirates Stadium ee kooxda Gunners xagaaga, waxaana si weyn loola xiriirinayaa inuu u wareego midkood kooxaha PSG iyo Barca.

Cayaaryahan Achraf Hakimi oo heerka caalami u safta dalkiisa Morocco ayay xagaagii Inter 40 milyan oo ginni ugala soo saxiixatay kooxda Real Madrid, 2dii xilli-cayaareed ee ka horreeyay ayuu wacdaro ka dhigay horyaalka Bundesliga isagoo u safanayay kooxda Borussia Dortmund.

Hakimi oo heysta qibradda horyaalada Spain, Jarmalka iyo Talyaaniga ayay Gunners dooneeysa inay kusoo biiriso safkeeda si uu u buuxiyo booska uu baneeyo Hector Bellerin.

Abdihakim Olad

Read Previous

Chelsea Oo Heshiis La Gaartay Jerome Boateng

Read Next

United Oo Fletcher U Magacaawday Agaasimaha Farsamada Kooxda

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?