Horudhac: Arsenal vs Man City – Xogta Kulanka, Cayaartooyda & Shaxaha Macquulka Ah

Horudhac: Arsenal vs Man City – Xogta Kulanka, Cayaartooyda & Shaxaha Macquulka Ah

Man city ayaa si wacan sammeeysay intey ka maqnaayeen xiddigahooda Aguero iyo De Bruyne balse waa ay soo laaban doonaan caawa, taasoo Arsenal uga dhiggan war aysan ku farxin.

Tababare Arteta ayaa doonaya in cayaartooydiisa ay noqdaan kuwa firfircoon haddii ay doonayaan inay soo afjaraan rikoorka guulaha ee City.

Xogta Cayaartooyda

Arsenal ayay u badan tahay inuu ka maqnaan doono Thomas Partey kulanka caawa ee Premier League-ga marka ay booqanayaan kooxda hoggaanka u heysa horyaalka ee City.

Cayaaryahanka khadka dhexe ee Ghana ayaa la dhibtoonayay dhaawac muruqa ah mana la filayo inuu soo laabto kahor kulanka ay kooxdiisa wajahayso kooxda qaab cayaareedka fiican ku jirta ee Pep Guardiola.

Kieran Tierney ayaa kursiga keydka ka soo kacay kulankii Europe League-ga ee ay barbarraha la galeen Benfica kaddib dhaawac lugta ah waxaana laga yaabaa inuu ku soo laabto safka koowaad ee kooxda.

Manchester City ayaa sugeysa cayaaryahanka khadka dhexe ahna gooldhaliyaha xorta ah ee Ilkay Gundogan waxayna qiimeyn ku sammeyn doonaan xiddiga Jarmalka kahor inta aysan u dhaqaaqin Waqooyiga London.

Gundogan ayaa qaatay qeybo kamid ah tababarkii kooxdiisa ee jimcaha kaddib markii uu dhaawac gumaarka ah ku seegay kulankii bartamihii isbuuca oo ay 3-1 kaga badiyeen Everton.

Sergio Aguero ayaa laga yaabaa inuu ku lug yeesho kooxda tababare Pep oo xaqiijinaya in xubin kasta oo kamid ah kooxdiisa ay taam tahay marka laga reebo daafac Nathan Ake.

Xogta Kulanka

Wakhtiga: 19:30 XGA

Tartanka: Premier League – Wareegga 25aad

Garoonka: Emirates Stadium

Garsoore: Jon Moss

Shaxaha Macquulka Ah

Abdihakim Olad

Read Previous

Messi Iyo Aguero Oo Middoobaya, Neymar Oo Ka Tagaya PSG , Arsenal Oo Daafac Bir Ah Heshay & Wararka Kale Ee Suuqa

Read Next

Saadaal:Arsenal Vs Man City -Yaa adkaanaya caawa?

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?