Gunners Oo Xasuuq Arxan Darran Ka Badbaadday Iyadoo City Ay Sii Joogteysay Rikoorkoodii Guulaha

City Oo Emirates Uga Adkaatay Gunners Inkastoo Ay Xasuuq Arxan Darran Ka Badbaadeen

Manchester City ayaa 18 kulan kusii dheerreysatay guusheeda tartamada oo dhan kaddib markii ay 1-0 kaga badiyeen kooxda Arsenal Axaddii.

Image result for Arsenal Vs Man city

Madaxii daqiiqadii 2aad ee Raheem Sterling ayaa u muuqday inuu ahaa goolkii guusha iyadoo kooxda Pep Guardiola ay soo ceshatay hoggaankeedii 10-ka dhibcood ahaa ee horyaalka Premier League-ga.

City dhib badan ma qabin 90-kii daqiiqo ee la soo dhaafay laakiin waxa ka maqnaa arxan la’aan goolka hortiisa ah si ay hoggaanka u sii dheereysato.

Arsenal ayaa sifiican ula qabsatay duufaantii City qeybihii dambe ee cayaarta laakiin ma aysan helin barbarro waxayna taasoo ka dhiggan inay kusii jirto kaalinta 10-aad ee kala sarreynta horyaalka.

Natiija ahaan, Arsenal ayaa kusoo korortay cayaarta dhammaadka qeybtii hore iyadoo Kieran Tierney uu hanjabaad ka muujiyay dhanka biddix ee goolka kooxda City laakiin goolhayaha City Ederson ayaan si fiican loo tijaabin.

Image result for Arsenal Vs Man city

Ilkay Gundogan ayaa ku dhawaaday inuu sii wato qaab cayaareedkiisa cajiibka ah ee gooldhalinta 10 daqiiqo kaddib, laakiin darbadiisii ayaa waxaa si fiican u saaray goolhayaha Arsenal Bernd Leno.

Joao Cancelo ayaa sidoo kale ku dhawaaday inuu labo jibaarro hoggaanka City 10 daqiiqo markii ay cayaarta ka harsantahay laakiin kubbada oo ku dhoweyd ayaa darbadiisii bartilmaameed lumisay.

Gabriel Jesus ayaa gool dhalin karay daqiiqadii labaad ee waqtigii dhimashada laakiin waxa uu laad uu si qaldan u laaday kor marsiiyay goolka Gunners iyadoo City ay xaqiijisatay guushoodii 18aad oo xiriir ah tartamada oo dhan.

Abdihakim Olad

Read Previous

Saadaal:Arsenal Vs Man City -Yaa adkaanaya caawa?

Read Next

Garsooraha Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda-Cagta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?