Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Liverpool Iyo Everton – Waa Layaab!!!

Aqriste, kulankii Liverpool Iyo Everton dhexmaray ayaa waxaa kasoo baxay natiijo taariikhi ah oo ay guushu ku raacday kooxda Everton.

Haddaba maxaa natiijadan taariikhi ka dhigaya?

Halkan ayaan kuugusoo gudbineynaa xaqiiqooyinka aadan ogeyn ee naatiijadan laga diiwaangeliyay.

Qiimeeyntan hoose waxaa sammeeysay oo diiwangelisay shirkadda Opta oo ah shirkad diiwaangelisa xaqiiqooyinka kubbada cagta.

Guushii Everton ee Liverpool ayaa soo afjartay 24 kulan dhammaan tartamada oo dhan oo aysan ka adkaan – waa tiraddii ugu badneyd ee guuldarro la’aan ah oo ay Liverpool ku joogteeyso hal koox.

Everton ayaa adkaatay kulankoodii ugu horreeyay oo ay marti u tahay Liverpool horyaalka PL-ka ilaa iyo bishii September ee sannadii 1999kii, iyadoo soo afmeertay 20 kulan oo Reds ay marti u ahayd guul la’aan.

Liverpool ayaa laga adkaaday 4 kulan oo isku xigga horyaalka, markii ugu horreeysay ilaa iyo bishii December 1923kii. Waa kooxda keliya ee Premier League-ga ku guulleeysatay oo 4 kulan oo gurigooda oo isku xigga laga adkaado marka laga soo tago Everton oo iyana siddan oo kale sammeeysay xilli-cayaareedkii 1928-29.

Cayaaryahan Gylfi Sigurdsson ayaa 5 gool oo marti ah ka dhaliyay kooxda Liverpool intuu ka cayaarayay horyaalkan – waa tirro ka badan tirrooyinka uu goolasha martida ka heysto kooxaha kale.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *