Yaab: Kooxda Ajax Oo Liiskeeda CL-ga Ka Saartay Saxiixooda Rikoorka

Kooxda Ajax ee dalka Holland ayaa liiska Cayaaryahannada Champions League-ga u safanaya ka saartay cayaaryahanka ay rikoorka kula soo wareegeen ee Sabastian Haller…waase qalad kama ah. 😳🤦‍♂️

Afhayeen u hadlay kooxda ayaa u sheegay ESPN: “Waa xaqiiq runtii, in Haller uusan ku jirin liiska cayaaryahannadeena.”

“Waxaan la shaqaynaynaa xiriirka UEFA iyo KNVB si aan u ogaano waxa qaldamay”

Weeraryahan Sabastian Haller ayaa Ajax kaga soo biiray 8dii bishii Janaayo kooxda West Ham ee dalka Ingiriiska, heshiis ku lacaya 22.5 milyan oo ginni ayay kula soo saxiidaan, isagoo noqday saxiixa ugu qaalisan kooxda Ajax.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *