‘HORE U SOCDA!’ – Man United Oo Farriin U Dirtay Kooxaha Kula Tartamaya Horyaalka

‘HORE U SOCDA!’ – Man United Oo Farriin U Dirtay Kooxaha Kula Tartamaya Horyaalka

Kooxda Macalin Ole Gunnar Solskjaer ayaa si buuxda u helay kalsoonidooda iyo qaabkooda, kaddib markii ay 9:0 ku xasuuqeen kooxda Southampton kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonayay jawaab celin ka timaada cayaartoydiisa kaddib bandhig qalbi-jab ah oo ay soo bandhigeen isbuuc hore balse ma uusan ku riyoon karin wixii ka dhacay garoonka Old Trafford habeenkii talaadada, maadaama kooxdiisa ay barbareysay rikoorka guushii ugu weyneyd ee taariikhda Premier League iyadoo sagaal gool oo aan laga jawaabin ku dhaafay kooxda Southampton.

Ma jirin guul weyn oo ay gaareen xilli-cayaareedkan marka loo fiiriyo bandhigan natiijada cajiibka ah leh.

City ayaa si aan shaki ku jirin u ah tartamayaasha ugu cad-cad ku guuleeysiga horyaalka maadaama kooxda macalin Guardiola ay ku jiraan guulo xiriir ah oo 8 sii maraya.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa farriin cad u dirtay kooxaha tartanka horyaalka kula jira, tanina waxay ahayd bandhig loogu talagalay dadkii ka shakisanaa waxqabadka iyo tayada Manchester-taan macalin Ole Gunnar Solkjaer oo horraantii horyaalka lasoo jeedinayay in la ceyriyo.

Man United si cad ayay dhexda ugu xirteen si ay u dagaalamaan, waxay taasi uga mahadcelinayaan guushii rikoodhka ahayd ee habeenkii Talaadada, iyaguna kalsoonidooda dib ayey u heleen sidoo kale .

Abdihakim Olad

Read Previous

‘WAALI-CAS’ – Casaankii Luiz Ee Kulankii Xalay Oo Dhaliyay Dood Addag

Read Next

“Cajiib” – Guardiola Oo Dias La Barbardhigay Van Dijk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?