“Cajiib” – Guardiola Oo Dias La Barbardhigay Van Dijk

Daafaca kooxda Manchester City Ruben Dias ayaa ka caawiyay kooxdiisa in uu dib u rogo daafacooda islamarkaana gacan ka geysto inay u tartamaan hanashada horyaalka.

Daafacan qaranka Burtaqiiska u safta ayaa usoo dhaqaaqay Etihad bishii September ee sannadkii hore isagoo kooxda Benfica ee dalkiisa hooyo kaga soo wareegay adduun dhan 62 milyan oo ginni.

Tan iyo kulankiisii ugu horreeyay City ayaa laga dhaliyay keliya 10 gool 28 kulan oo horyaalka ah iyagoo ilaashaday shabaqooda 19 kulan dhammaan tartamada oo dhan.

Dias ayaa mudadaas ahaa daafac halbowle u ah qalxada dhexe ee 4 dambeedka kooxda.

Si kastaba, tababaraha kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa ka hadlay saameeynta Dias isagoo la barbardhigay daafaca birta ah ee kooxda Liverpool Virgil Van Dijk.

Tababare Pep ayaa sheegay in Dias uusan ahayn cayaaryahan keliya kaasoo si wanaagsan u cayaara,sidoo kale inuu yahay cayaaryahan ka dhiga cayaaryahannada kale kuwa u cayaara si wanaagsan

Pep ayaa sidoo kale sheegay in saameynta Dias ee daafaca City ay la mid tahay tan VVD ee kooxda Liverpool.

Abdihakim Olad

Read Previous

‘HORE U SOCDA!’ – Man United Oo Farriin U Dirtay Kooxaha Kula Tartamaya Horyaalka

Read Next

Barca Oo Arsenal Dalab Ka Diiday, Liverpool Oo Daafac Kale Lasoo Saxiixan… & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Maata

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?