Rasmi: Yedlin Oo Ku Biiray Galatasaray

Daafacii kooxda Newcastle DeAndre Yedlin ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Galatasaray ee dalka Turkiga.

Daafaca middig ee reer Mareykan ayaa heshiis u saxiixay kooxda Turkiga ilaa sannada 2023-ka, wuxuuna qaadan doonaa adduun dhan 2 2.2million.

Yedlin qandaraaskiisa kooxda Newcastle wuxuu dhacayay xagaagan, Galatasarayna waxau sheegtay in heshiiska ay kula saxiixdeen uu yahay “mid bilaash ah”.

Kooxda Newcastle cidna ma aysan keensanin bishan balse waxay weli kalsooni ku qabaan inay amaah kula soo wareegaan khadka-dhexe ee Arsenal Joe Willock inta uusan suuqa xirmin saacadaha soo aadan..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *