Rasmi: Schalke 04 Oo La Saxiixatay Shkodran Mustafi

Kooxda Schalke 04 ayaa ku dhawaaqday saxiixa cayaaryahan Shkodran Mustafi oo Arsenal ka tirsanaa.

Heshiiskan ay Shkodran Mustafi kula soo wareegeen Arsenal ayaa ah heshiis ilaa iyo dhammaadka xilli cayaareedkan 2020/21 si ay badal uga dhigto Ozan Kabak oo amaah ugu biiray Liverpool.

Heshiisyada labada cayaartooyda ayaan horraan idinkugu sheegnay inay isku xirnaayeen waana dhammaadeen labadaba.

Mustafi, oo 28 jir ah, wuxuu ka mid ahaa xulkii Jarmalka ee ku guuleystay Koobkii Adduunka ee FIFA 2014 laakiin waligiis ma uusan ka cayaarin Bundesliga.

Abdihakim Olad

Read Previous

RASMI: Liverpool Oo La Wareegtay Ben Davies

Read Next

Suuqa: Saxiixyadii La Dhammeystiray Xalay Oo Kooban

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?