RASMI: Liverpool Oo La Wareegtay Ben Davies

Kooxda kubbada-cagta ee Liverpool ayaa si rasmi ah u shaacisay saxiixa cayaaryahanka daafaca uga cayaarayay kooxda Preston North End, Ben Davies.


Cayaaryahankan 25-jirka ah ee daafaca dambe ka cayaara ayaa saxiixay heshiis muddo dheer ah, iyadoo uu xoojin doono daafaca Liverpool oo afarta cayaaryahan ee daafaca dhexe ay dhaawacyo uga maqan yihiin.

Davies ayaa u sheegay bogga Liverpool inuu aad ugu faraxsan yahay ku biirista kooxda.


“Waa fursad aad u weyn. Dhab ahaan filan waa ayay igu noqotay markii warka (Rabitaanka Liverpool) uu soo baxay, laakiin madaxaaga waad galineysaa, fursadda i hortaalla waa mid aan caadi ahayn. Waa ii doqonnimo inaan ka libin keeni waayo, waxaannan wax ka baran doonaa cayaartoyda [kooxda joogta] ” Ayuu yiri Davies.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *