RASMI: Koox Premier League-ka Cayaarta Oo La Wareegtay Wiilka Berghamp

RASMI: Koox Premier League-ka Cayaarta Oo La Wareegtay Wiilka Berghamp

Kooxda Kubbada-cagta ee Watford ayaa la soo saxiixatay wiilka halyeeyga kooxda Arsenal Denis Bergkamp.

Mitchel Berghamp waa cayaaryahan xor ah oo ka socda kooxda heerka labaad ee Wadanka Holland ee Almere City, Sida uu warinayo Mark Irwin.

Laakiin 22 jirkaan khadka dhexe ee weerarka ka ciyaara ayaa kaliya la siiyay qandaraas lix bilood ah oo uu ugu ciyaaro kooxda 23 jirrada Watford.

Mitchel, oo si la fahmi karo ugu dhibtooday isbarbardhiga lagu sameeyo isaga iyo aabihiisa caanka ah, ayaa waxaa sii deysay kooxda Almere xagaagii hore isagoo aan waligiis u safan kooxdooda koowaad.

Wuxuu tijaabo u maray kooxda Arsenal dhammaadkii sannadkii hore balse ma uusan sameynin bandhig sabab u noqon kartay inuu ku qanciyo inay la soo saxiixdaan.

Haatan wuxuu rajeynayaa inuu qaab-cayaareed wanaagsan kusoo bandhigo Watford, si uu uga kasbado heshiis waqti dheer xagaaga.

Abdihakim Olad

Read Previous

Diego Costa Oo Ku Biiraya West Ham

Read Next

Manchester Oo La Saxiixanaysa Dembele Ama Sancho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Boggan wuxuu adeegsadaa cookies. Haddii aad sii isticmaasho, waxaad aqbashay isticmaalkeenna Cookies.  Waa maxay Cookies?