Kooxda Brighton ayaa dhammeystirtay saxiixa cayaaryahanka aadka loo qiimeeyo ee reer Ecuador Moises Caicedo oo ay kala soo wareegeen kooxda Independiente del Valle.
Caicedo waxaa horay u raadinayay kooxaha waaweyn ee Premier League sida Man Utd, iyo West Ham.
19 jirkaan ayaa saxiixay heshiis ku eg June 2025.